Faafaahino Ka soobaxaya Qarax Goordhow Muqdisho Ka Dhacay

Wararka Nagu Soogaaraya Dagmada Hodan Ee Gobolka Banaadir Ayaa Waxaa Ay Sheegayaan In Halkaasi Qarax Ka dhacay Goordhow Lagula Eegtay Laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya Waxaan lagu qarxiyay Gaari ay wateen Askartaasi, kuwaas oo marayay xaafada Galmudug ee degmada Hodan meel aan ka fogeen Saldhiga Ciidamada Asluubta.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa geeriyooday mid kalane dhaawac ayaa ka soo gaaray, iyadoona Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano muddo kooban socday.

Ma jiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helayo Qaraxaasi ku xirnaa Gaariga ee ay wateen Askarta ka tirsaneed Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan sheegata dhacdooyinka nuucaan oo kala ah ee ka dhaca Muqdisho iyo gobolada dalkaba.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share