Filed Under:  MAQAALO

Mashruuca Cusub ee Calanka “Muufo Muufo Dhashey”

Maareeye sow isagana ma aha in ay la tagto Seefta Raiisul Wasaare Khayre.

Maalin waliba Mashruur Cusub ayaa Hadba la soo Alifayaa maanta wasiirkii Ganacsiga ee Dowladda Federaalka Maxamed Cabdulaahi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu soo bandhigey Qandaraas aan aad ula yaabey oo ah in loo Tartamaya Midab Calankeena sidaa Darteed waa ayaandaro in maaanta lala soo shir tago Raadinta Midabkii Calankeenna.

Marka la qaadayo Heesta Calanka waxaa ahayd “Qolobaa Calankeeda Duulba waa Caynee, Inaga keena waa Cirkoo kale oo aan Caad lahayn”marka qof waliba waa iska garanayaa in calankeed Midibkiisa uu yahay Cirka oo aan Caad lahayn sidaa Dareed waxaan wareegtadaan u arkaa mid la doonayo in Shaki lagu geliyo Calankeena ama Khilaaf hor leh lagu Abuuro iyadoo dano Siyaasadeed oo fog laga leeyahay.

Ninkii Alifey Calanka waxaa uu ahaa Maxamed Cawaale Liibaan waxaana uu Tartan la galey Dad fara badan oo Soomaaliyeed kuwaa ku Tartamay keenida Midabka Calanka Soomaaliyeed isaga ayaa ku Guuleystey ka dib markii uu keeney Calankii ugu Qurxoonaa Calamada Aduunka kana Qurux badan Calamadii Adduunka sidoo kale Calankaas Buluuga ah wuxuu aad uga Dhex Muuqdaa marka la safo ama sheeda laga eego Calamada kale aduunka ee Midabada Badan .

Hadii uu Qandaraaskaas uu hirgalo laguna Guuleysto Midibka Calanka Somaaliyeed sow ma noqoneysa mid la rabo in lagu Mooro duugo Taariikhdii Geesigii Alifey Calanka Soomaaliyeed Maxamed Cawaale Liibaan sidoo kale sow ma noqoneyso in la sameeyo Maalin kale oo ka duwan 12 Oktoobar oo ah maalin ku weyn Ummada Soomaaliyeed maadaama Cida keentey Midab Calanka ay Xaquuq u yeelaneyso Xuska Maalin kale oo la xuso Calanka Sidoo kalane ay meesha ka baxayso Heesta Calanka ee Buluuga saxda ah Tilmaameysa

Calanka oo Mididbkiisa uu Buluuga uu yahay ayaa waxaa uu ka diwaan gashan yahay Qaramada Midoobey marka waxaa la yaab ah in marka Wasiirka Ganacsiga uu soo saaro Midabka Calanka Cusub mar kalaa Qaramada Midoobey laga Diwaaangelinayaa sidoo kale Sow uma Muuqato in la Hareer marey Golihii Baarlamaanka oo isagu ilaalinaya Astaamaha Qaran uuna yahay midka keliya ee Bedeli karo Calanka iyo Astaamaha kale Qaranka uu leeyahay

Waxaan si aad u ula yaabey in Qandaraaskaas Baafintiisa laga siidaayey Warbaahinta Qaranka iyadoo la leeyahay waxaa loo Tartamayaa Midibka Saxda ah ee Calanka Qaranka Soomaaliyeed sidaa Darteed Mashruucaas Cusub ee Ujeedo badanka ah waxaana ku tilmaami karaa Mashruucii hore loogu Hungoobey ee “Muufo Muufo Dhashey”

fiiro gaar ah waxaa ka Cabsi qabaa in mar kale uu wasirka uu hadlo oo uu yiraahdo “Aniga Sidaa u lama jeedin wareegtadeydana si Qalad ah ayaa loo Tarjuntey ” sidii Wasiro Hore War noocaan ah uga tagey, mid kale Wasir Maareeye Bulshoy sow isagana kuma Haboona in Xilka laga qaado sidii Wasiirkii Wabarashada oo ay la tagto Seefta Raiisul Wasaare Khayre.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments