Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed oo ku dhawaqay in Dib ay U dhigeen Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed

Bayaan ay soo saareen Golaha Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed waxay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed .

Doorashadda ayaa lagu balansanaa 17-ka bishan November ka dhacdo Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Odayaasha waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso doorashada, lana safatay Musharaxiin gaar ah iyagoo dhaqaale iyo gawaari aan xabadaha karin siisay.

Sidoo kalena Xildhibaanada Koofur Galbeed u daabushay Muqdisho, si looga dhaadhiciyo Musharax la wato inay u doortaan.

bayaan ka soo baxay Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed ayaa imaanaya iuyadoo ay ku Eedeeyeen Dawlada Federaalka in ay fara gelin ay ku heyso doorashooyinka maamulka Koofur Galbeed

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share