Dhageyso: Puntland oo sheegtay Dadkii ka barakacay Colaada degaanka Dhumey ee gobolka Sool in ay u baahan yihiin Gurmad Deg Deg ah

Gudi kamid ah golaha wasiirada  Puntland oo madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas uu u magacaabay Qiimaynta Xaaladii ka dhacday deeganka Dhumay ee Koonfurta magaalada Laascaano ayaa magaalada Garowe ku yeeshay kulan ay kusoo bandhigayeen waxyaalihii ay lasoo kulmeen safar ay ku tageen deegaanadaasi.

 

Wasiirka wasaarada Arimaha gudaha Puntland C/laahi Cali Xersi Tima cade  oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay inay Dad aad u farabadan isaga carareen colaadaasi oo ka barakicisay ilaa 3 deegaan oo kamid ah dhulkii lagu dagaalay.

 

Gudigan oo isugu jira Wasiiro xildhibaano,Odayaasha dhaqanka iyo Isimo ayaa sheegay inay waxgarad kaladuwan ku hawlanyihiin Dajinta Coladaasi isla markaana dadkii ka baracay colaadii dhawaan ay u baahanyihiin Hoy iyo Biyo sida uu sheegay wasiirka arimaha gudaha Puntland.

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments