shirka Wasiirada Amniga Dawlad Goboleedyada oo ka Furmay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa furay shirka Wasiirada amniga Dowlad Goboleedyada oo ay ka qayb galayaan Taliyayaasha Hay’ada nabadsugida Dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in ay Wasiiradu qiimayn ku samayn doonaan xaalada amni kadibna ay go’aamo ka gaari doonan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada isku dhafka ah.
 Madaxweynaha Jubland ayaa  sheegay in kaalintaan  ay lahayd Dowlada Federaalka balse ayna kasoo dhalaalin taas badalkeedana ay ku mashquushay burburka dalka iyo Carqaladayn joogto ah wuxuu sheegay Madaxweynahu in ay dardar galin doonan iskaashi buuxa oo dhinaca Amaanka ah isla markana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo dalka.
Hadalkan ka soo baxay Madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili Dawlada Federaalka ay wajaheyso Eedeeymo kulul oo uga imaanaya Madaxda Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments