Xildhibaanadii Koofur Galbeed ee ku sugnaa Muqdisho oo dib Ugu laabtay Baydhaba

Xildhibaanadii maamulka Koofur Galbeed ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa  dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

sida ay sheegayaan  warar lagu kalsoonaan karo oo ay helyso gobolad.com Xildhibaanada ayaa waxaa basas looga qaaday Hoteladii ayka  degenaayeen Magaalada Muqdisho, waxaana dib loogu celiyay Baydhabo.

Xildhibaanada laga  soo qaaday Baydhabo ee loo keenay Muqdisho ayaa keentay faragelinta dowladda Federaalka ku heyso doorashada Koofur Galbeed in ay cadeyn u noqoto

Guddigii doorashadda ee iscasilay ayaa ku  eedeeyay dowladda Federaalka in xildhibaanadii Koonfur Galbeed ay ku heysato Hoteello ku yaalla Magaalada Muqdisho balse maanta xildhibaanadaasi dib loo Celiyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share