Mas,uul ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir oo Xabsi la geeyay

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu eedeeyey qaadasho laaluush. Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdul Qaadir C/llaahi Xasan Shaango, waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaas oo marka baaristoodu soo dhamaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono.

Arrintaan ayaa muujineyso inay dowladda Soomaaliya sare u qaaday la dagaalanka musuq maasuqa ka dhanka ah, ayada oo sidoo kale shalay saacado la xiray wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale horey loo xiray illaa dhawr mas,uul oo lagu helay musuq maasuq kuwaas oo qaarkood xabsiga la dhigay halka qaarna damiin lagu sii daayey.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments