Dibad bax looga soo horjeedo Amisom oo Muqdisho ka dhacay

Dad careysan   ayaa Maanta dibad bax waxa ay ka dhigeen magaalada Muqdisho

Boqolaal Shacab ah ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee Magalada Muqdisho,iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya,isla markana aay ka xun yihiin dilka ka dhacay xaafada suuqa xoolaha ee Amisom ay geysteen

Ciidamada AMISOM ayaa shalay 4 Ruux oo darawaliin ahaa wax ay ku dileen Ex-koontorool Balcad ee Magalada Muqdisho kadib markii qarax Miino lagule eegtay halkaas.

Inta badan Ciidanka Amsom ayaa marka Qarax loo geyso Baabuurta ay wataan waxa ay Furaan xabado oo Dadka shacab ah waxyeelo ay ka soo gaarto balse Ciidanka Amisom ayaa si bareer ah Dad shacab ah Ugu dilay Degmada Heliwaa inkasta oo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo sheegay in Talaabo adag la qaadayo Askartii Dadka shacabka ah ku dilay xaafada suuqa xoolaha

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments