kulankii xildhibaanada Baarlamaanka oo baaqday iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka hadlay dib u dhaca kulanka

Kulan  la filayay  in ay maanta ku yeeshaan Magaalada Muqdisho xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta baaqday sidda warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in kulankii Baarlamaanka uu Kooram La’aan u baaqdo.

Waxaa uu sheegay in lala xisaabtami doona Xildhibaanadii maanta baaqday,islamarkaana kulanka soo socda Magacyadooda la yeerin doono.

Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya ayaa lagu waday in ay kulanka uga hadlaan aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka duulista iyo hawada iyo aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka mashruuca liil tirka.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments