Deg Deg : shariif xasan oo iska Casilay Xilkii madaxweynenimo ee koofur Galbeed

Wararka ka imaanaya  Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow uu xilkii Madaxweynenimo uu iska casilay Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed (Ugaas Xasan) ayaa Warbaahinta u Akhriyay Warqada is casilaada ee Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaana xilka si KMG ah u haaynaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Waxa uu sheegay in sababta uu isku casilay uguna tanaasulay musharaxnimada ay tahay danta Bulshada deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Arrimaha GudahaXukuumada Federaalka  Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goobjoog ka ahaa Goobta uu isku casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments