Ciidamada Amisom oo Dad shacab ah ku rasaseeyay Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka Tirsan AMISOM ayaarasaas ku furay dad shacab ahaa oo ku banaan baxaayay isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, waxa ayna dadkaasi banaanbaxyada dhigaayay ay ka ashtakoonayeen falalka AMISOM ay ku dilaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dadkaani ciidamada AMISOM ay rasaaseeyeen ayaa dhigayay banaanbaxyo nabdoon oo ay kaga soo horjeedeyn falkii Ciidamada AMISOM ee shalay ku dileen afar ruux oo shacab ahaa oo ku sugnaa isgoyska Ex-Kontrool Balcad,kadib markii kolonyo ciidamo Burundi ah ee qeybta ka ah Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lala eegtay Miino.

Rasaasta ay Ciiamadaan AMISOM ay ku fureen dadka banaanbaxaayay ayaa timid ka dib markii banaanbaxayaasha ay xirteyn wadooyinka ay doonayayeen ciidankaas in ay maraan  islamarkaana ay waayeen meel ay ka baxaan inkastoo rasaasta ay fureen aysan cidna wax ku noqon hadana dadka dibad baxayay  ayaa kasii carooday falkaas kale ee Ciidamada AMISOM ka geysteen isla magaalada Muqdisho.

Dadka dibad baxayay  ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in AMISOM lagula xisaabtamo tacaiyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ay ka geystaan Magaalaa Muqdisho.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments