Xildhibaano ka Tirsan baarlamaanka federaalka oo cambareeyay Ciidamo ka Tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom oo dad Rayid ah ku dilay Magaalada Muqdisho

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa  ay si kulul uga hadleen dhacdadii shalay Ciidamada Amisom ku dileen dadka Shacbaka ahaa.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in dad Shacab Ah oo aan waxba galabsan sibareer ah loo dilo.

Waxa ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay AMISOM kala xisaabtanto dhibaatada dilka ah oo ay u geysatay dadka rayidka.

Xildhibaanada kala ah Mahad Salaad, Ubax Tahliil iyo Maxamuud Beene Beene ayaa si isku mid ah  ah waxa ay u sheegeen in AMISOM dalkaan  aysan u imaan in ay xaqiijiso amniga balse  u Timid  in dadka rayidka ah ay disho,hayeeshee ay ka baxday qorshihii loo keenay.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah Xoghayaha Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay mas’uuliyad iska sari doonaan arrintaasi,isla markaana ay kala hadli doonaan Amisom

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments