Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa intii uu kulan kooda socday iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed  Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments