Akhriso+Daawo: Maamulka Hir shabeellle oo sheegay in ay Taageerayaan kooxo iskood isu Abaabulay oo hub wata sheegayna in ay la dagaalamayaan Alshabaab

Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle oo ay wehlinayeen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cabdi Sheekh ayaa waxa ay booqdeen maleeshiyaad dhawaan la dagaalantay  Al-Shabaab ee Macaawiisley loo yaqaano.

Maleeshiyaadka macawiisleeyda ayaa waxa ay joogaan  deegaano hoostaga Magaalada Jowhar,waxana wasiirka amniga Hir-Shabeelle ay u kuurgaleen xaalad ay ku sugan yihiin iyo taageerada ay u baahan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka warqabo,isla markaana taageero ay siinayaan.

Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa sheegay in Maamulka hir-Shabeelle uu diyaar u yahay in uu ka caawiyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab,isla markana ataageero Millateri ay siinayaan.

Maamulka Hir shabeelle ayaa sheegay Ragga Hubsita Macacaawisleyda in ay yihiin kuwo doonayaa in ay la galamaan Alshabaab maamulka Hir shabeelena ay Tageero u Fidinayaan

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments