Filed Under:  WARARKA

Maxaa ka jira in dawlada Federaalka Soomaaliya ay ka carooraty war ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

 

Dowladda Soomaaliya ayaa muuqata in ay si weyn uga Carooday war kasoo baxay Qaramada Midoobey,kaasoo looga hadlaayay doorashadda Koonfur Galbeed in ay ku dhacdo si wanaagsan oo dadka degaanka ay ku qanacsan yihiin.

Warka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ahaa in doorashada Koonfur Galbeed ay u dhacdo ama u qabsoonto hab heshiis, is ogol iyo mas’uuliyad kujirto, taas oo tusaale fiican u noqon karta hab-socodka doorashooyinka ee Soomalaiya.

Cabdisaciid Maxamed Cali La taliyaha ammaanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu ku qoray qoraal kooban  oo uu ku sheegay in ay muhiim tahay in Xafiiska Qaramada Midoobey aysan soo faragalin Arrimaha Gudaha Soomaaliy

Cabdisaciid ayaa yiri : “Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dhaqankaasi waa mid aan la soo dhoweyneyn

Hadalka La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Ammaanka ayaa muujinay aXiisad siyaasadeed  ka  jira Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments