Muqdisho qarax dad ku dhinteen oo ka dhacay meel Maqaayad

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay wadada Maka Al Mukarama gaar ahaan meel ku dhow isgoyska shaqaalaha iyo shaneemadii hore ee Soomaaliya,  waxaana ay wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu ahaa qaraxa mid ka dhashay gaadiid waxyaalaha qarxa lagu soo raray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkan lala beegsaday baar ay dadka ku cunteeyaan kaasoo caan ka ah magaalada Muqdisho.

Gaadiidka gurmadka degdega ee ambalaaska ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

wali macada inta dhimashadu gaarayso balse waan idiin soo gudbin doonaa inshaa allah

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments