Dhageyso : Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale Muxuu ka yiri iscasilaadii shariif xasan sheekh Aadan ?

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka Tirsan Baarlamanka Federalka Soomaaliya ayaa ka hadlay iscasilaadii uu Magaalada Baydhaba kaga Dhawaaqay Shariif Xasan sheikh Aadan .

Xildhibaan Afaraale ayaa waxa uu sheegay in shariif Xasan sheekh Aadan uu u tanaasulay  shacabka Koofur Galbeed islamarkaana Tani ay Maslaxad Ugu jirto buu yiri shacabka ku nool degaanada maamulka Koofur Galbeed  balse Xildhibaan Afaraale ayaa ka gaabsaday  su’aal laga weydiiyay Shariif xasan lagu qasbay in uu iska casilo Xilka Koofur Galbeed.

Ugu dambeyntiina xildhibaan ayaa ugu baaqay Madaxda Koofur Galbeed in ay isku duubni muujiyaan kana fikiraan aayaha koofur Galbeed islamarkaana marka la gaaro doorashada in xildhibaanada ay soo doortaan qof samatabixin kara Dadka ku nool Koofur Galbeed degaanada ay ka kooban tahay.

Hoos ka dhageyso waraysiga xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale’ Wariye ilyaas Daauud Xasan ayaa wareystay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments