WARBIXIN: 7-SANO KADIB FARMAAJO OO AARGUTAY!!!.

Sida muuqata Golaha iskaashiga maamul goboleedyada ayaa wajahaya caqabado kala duwan oo kaga imaanaya dhanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kaasoo ay majaraha u hayaan Maxamed C/laahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre oo siyaasad ahaan ku mideysan sidii ay gebi ahaanba u burburin lahaayeen golaha iskaashiga maamul goboleedyada ay nabar ku taagan u arkaan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa guddoomiyaha Golaha iskaashiga maamul goboleedyada ayaa galinkii dambe ee doraad oo talaado ahayd magaalada Baydhabo uga dhawaaqay inuu tanaasulay, xilkii uu hayayna ka dagay, isagoo eegaya maslaxada iyo wadajirka dadka reer Koonfur Galbeed sida uu cadeeyey Shariif-ka.

Is-casilaadaas kaliya kuma uusan ekaane waxa uu shaaciyey in uusan ahayn musharax madaxweyne doorashada la filayo inay dhawaan dhacdo.

Mar uu ka hadlay sababaha keenay inuu is-casilo isla markaana ka tanaasulo xubinimada musharaxa madaxweyne ayuu sheegay faragelin lagu hayo hanaanka doorashada Koonfur Galbeed iyo dagaal aargudasho ah oo lagu soo qaaday ayuu tilmaamay inuu isku casilay.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “La yeele ma ilaabee Yeele ayaa halmaama…” waxaa jirta maah-maah kale oo iyana oranaysa “Nimaan aarsan Uurka Hooyadii ayuu ku jiraa”, Taariikhda Soomaaliya ma ahan mid duugowdo mana qarsoontee sanaddii 2011-dii oo haatan laga joogo muddo 7-sano ayay ahayd markii Maxamed C/laahi Farmaajo oo xiligaas ahaa Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya uu isku casilay cadaadis xoog leh oo kaga yimid Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka Dowladdii KMG ahayd.

Dadka daraaseeya Arrimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa durba shaaciyey in arrintan ay dadka dib u xuusineyso dhacdo diiwaan gashan dabyaaqadii sanadkii 2011-dii.

Bulshada Soomaaliyeed waxay wada aaminsan yihiin in Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo oo adeegsanaya hantida Qaranka Ummadda Soomaaliyeed in qaab aargudasho ah faragelin toos ah ugu sameeyey arrimaha Doorashada maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna magaalada Muqdisho ka diray xubno musharaxiin ah oo jeebabka kore ku sitay lacagu lagu qiyaasay 2-Milyan iyo bar halka tiro xildhibaano ahi ugu yeeray Aqalka madaxtooyada Villa Somalia, kuwaasoo gunooyin ku qaatay inay Farmaajo ku garab siiyaan ka taqlusida Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu cadaawad gaamurtay u hayo.

Ugu dambeyntii lama oga qorshaha xiga ee Villa Somalia taasoo ku aadan madaxweynayaasha saddexda ah ee maamul goboleedyada naafoobay hadda isku soo haray, lase arki doonee halka xaal uu saldhigto.

W/Diyaariyey: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).
Email: baastey11@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share