Madaxweynihii hore ee Dawlada Degaanka Soomalida Itoobiya oo maanta la horkeeni doono Maxkamad ku taala magaalada Adis-Ababa

  maanta oo jimco ah ayaa lagu waddaa in maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa markii shanaad lasoo taago  madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar.

Maxkamadda ayaa lagu waddaa in ay maanta go’aan ka gaarto Xukunka lagu ridaayo Cabdi Maxamuud Cumar oo horay loogu eedeeyay in uu geystay dhibaato badan oo ay ka mid yihiin in uu laayay dad Shacab ah.

Waxaa kale oo jira  in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena “ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar”.

Rabshadihii ka dhacay Degaanada Dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ahaa kuwo ku boohay gobo badan oo ka Tirsan degaanada Soomalida ay degto ee Itoobiya waxana ay Rabshadahaasina ay sababeen Dhimasho iyo Dhaawac

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments