SHARIIF XASANOW, WAX WALBA WAA LA HAMBEEYAA, HAMBADANA WAA XURMO.

Ciyaar Walba Muddo Gaaban Bay Socotaa, Haddaad Ka Badbadisana Wigladu Mar Bay Kula Rogmataa.

Haddaad Siyaasi Noqoto, Xumaanta Laguma Talaxtago. Haddaa Tuugtahay Lama Xado Habka Dhallaanka. Haddaad Dilaa Tahay Lama Laayo Nugulka Bulshada. Haddaad Dhagarlow Tahay Quraanyo Layskuma Jafo. Waa Inaad Wax Hambaysaa.

Shariif Xasan Waxba Ma Hambayn, Ceebo Badan Oo Uu Falay Oo Cabbursanaa Baa Soo Shaac-biixi Doonta, Waad Arki Doontaan Goordhow. Dhagarta Koonfur Galbeed Soomaaliya Dad Baa Xambaarsan Hase Yeeshee Golal Mugdi Ah Bay Ku Kulmaan Waqtigooduna Waa Gabaabsi.

Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyey, Wuxuu Dejiyay Qorshayaal Oo Wuxuu Damacsan Yahay Inuu Markale Boobo Talada Koonfur Galbeed Soomaaliya Haddii Ay u Cadaato Inuu Jiro Qof Kale Oo Aan Isaga Ahayn, Shacabka Koonfur Galbeedna Uu Fadqalallo Iyo Qarbudaad Hor Leh Dib Ugu Celiyo.

Ugu Danbeyn Waxaan Ka Digeynaa In Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya Laga Dhex Abuuro Xasarado Colaadeed.

https://www.facebook.com/Zoobeyare

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share