Dhageyso: Maamulka Jubland oo Mamnuucay jarista Dhirta ka baxda Degaanada Jubooyinka

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa mamnuucay  jarista dhirta qoyan iyo qodista waraha aan sharciyeysnayn si looga dheeraado nabaad-guurka deegaanka.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi oo akhriyey bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa sheegay in la loojiyey jarista dhirta qoyan ee loo isticmaalo dhuxusha wax lagu karsado iyo seereynta dhulka.

Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay in la mamnuucay qodista waraha aan sharciyeysnayn iyo qodista dhulka si dhagax loogala baxo.

Dhammaan talaabooyinkaan ayaa ay Dowlad-goboleedka Jubbalanad lagu sheegay inay uga gol leedahay ilaalinta deegaanka iyo ka dheeraanta nabaad-guurka.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments