Qaraxyadii Muqdisho Maanta Ka Dhacay Oo Uu Ku Dhaawacmay Masuul Horay Xilkaga Soo Qabtay Dowladda Soomaaliya

Qaraxyadii is xig-xigay ee Galabta lagu weeraray Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay geysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dadrayid ah soo gaaray.

Qaarxyada oo Saddex ahaa ayaa la sheegay inay xigtay rag huebsyan oo gaarayay ilaa afar,isla markaana doonayay inay galaan Gudaha Hotelka Saxafi in la toogtay.

Dadka qaraxyadii Galabta ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah Cabdirisaq Bahlaawi oo ahaa  Agaasimihi hore ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo xilligii uu qaraxa ka dhacayay ku sugnaa meel aan Hotelka ka fogeen.

Waxaa la arkayay Sawirro laga soo qaaday burbur xoogan oo soo gaaray Gawaarida farabadan oo mooto bajaaj ah iyo kuwa dadweynaha ee Homeyda oo dadkii saarnaa ay ku waxyeeloobeen.

sikastaba ha ahaatee waxaa muuqata habacsanaan amni maadamaa dowladda soomaaliya ay ku fashilantay iney xaqiijiso amaanka muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku sugan magaalada caasimada ah ee muqdisho.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share