Filed Under:  WARARKA

Axmed Madoobe oo loo diiday in uu Tago Magaalada Garbo Haareey ee Gobolka Gedo

Magalada Garbo Haareey ee gobolka Gedo waxa ka dhacay kulan balaaran oo ay ku yeesheen qaybaha kala gedisan bulshada degmadasi oo ay kaga hadlayeen xaalada Garbo Haareey iyo imaansha madaxweynaha Jubland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyagoo kulan kooda ka soo saaray baaq ay ku diidayaan In Axmed Madoobe lagu soo dhaweeyo magaaladaasi

Kulankaan oo ay qabteen qaybaha kala duwan ee bulshada Garbaaharay ayaa waxuu yimid markii Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed uu sheegay in lasoo dhaweeyo madaxweynaha jubbaland hadii uu safar gobolkaas.

ilaa hada lama Oga sababta keentay in Madaxweynaha Jubland loo diido in uu garo garba haareey marka laga reebo maamulka gobolka Gedo oo doonaaya in Axmed Madoobe lagu soo dhaweeyo Magaaladaasi

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments