Filed Under:  WARARKA

Madaxweynaha Puntland oo Eedeeyay Dawlada Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali gaas ayaa ku Eedeyay  dowladda dhexe ee federalka Soomaaliya in ay rabto inay awoodaha, daqliga iyo dhismaha dowladnimo iyo xariirka dibadda ay rabto in iyada isku koobto.

Waxaa kaloo uu sheegay in maamul goboleedyada ay masuuliyad xooggan ka saaran tahay shacabka ay matalaan kuna sugan ay maamulaan.

Sidoo kale waxuu ka hadlay in xilka uu iska casiley madaxweynhii Koonfur Galbeed Shariif Xassan oo ahaa guddoomiyhii golaha iskaashiga maamul-goboleedyada.

Isaga oo la hadlayay Idaacada Voa-da ayuu sheegay inay taasi qeyb ka tahay faragelinta dowladda Soomaaliya ku heyso Maamul Goboleedyada,isla markaana taasi ay keentay in dhaqaalihii Wadanka lagu bixiyo in lagu kala fogeeyo Maamul Gobolredyada.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments