Filed Under:  MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA

Dhageyso:Amarkii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu dul dhigay Hoteelada Muqdisho qaarkood oo saqda dhexe Habeenkii lagu caweey jiray oo dhaqan galay

Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in uu caburiyey duqa Muqdisho kadib markii uu ammar ku bixiyey in wixii ka dambeeya 12-ka saqdhexe aan cidna lagu arki karin xeebta Liido.

Ammarkii Injineer Yariisow ayaa saameyn weyn ku yeeshay ganacsigii xilliga habeena ka jiray Liido, waxaana sidoo kale halkaasi ay noqotay mid haawaneysa wixii ka dambeeya 10-ka fiidnimo.

Dhawaan ayay ahayd markii Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo soo saaray Amar ah in saxqda dhexe habeenkii ama 12:oo habeenkii aanay furnaan karin hoteelada ku yaala Muqdisho gaar’ahaan kuwa lagu caweeyo ee lku yaala xeebta liido iyada oo taasi uu daliil kaga dhigtay in lagu fara xumeeyo gabdhaha waa sida uu hadalka u dhigay gudoomiye yariisow .

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments