Filed Under:  WARARKA

Ciidamada Booliska dawlada Federalka oo Hawlgalo ka sameeyay duleedka Magaalada Muqdisho

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay baaritaano ka sameeyeen Duleedka Magaalada Muqdisho.

Baaritaanka ayaa waxaa ay ka dhaceen inta udhaxeyso degaanka Tareedisho iyo Garisbaalay ee Duleedka Muqdisho.

Ciidamada ayaa baaritaanada ka sameeyay xaafadaha deegaanadaasi, iyadoona baaritaanadan ay ku soo beegmayaan xili maalmihii ugu dambeeyay ay dilal qorsheysan ka dhacayeen deegaanadaasi.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Booliska Soomaaliya ee ku aadan Hawlgaladaan iyo cida lagu soo qabtay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments