Filed Under:  WARARKA

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Amniga looga hadlayo la qaatay saraakiisha Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya

Madaxweye Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kullan deg deg ah iskugu yeeray Taliyayaasha Ciidamada,kuwaasi oo uu  kala hadlay wax ka qabashada amni xoogan ee ka jira magaalada muqdisho ee caasimada ah.

Taliyayaasha Ciidamadda Booliska,Asluubta,Milatarigga ayaa kulan ka goobjoog ahaa waxaana sawiro lagu baahiyay baraha bulshadda ka muuqan sii haayaha Taliyaha Nisa ahna Ku xigeenka Fahad yaasiin Xaaji Daahir.

Sida uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha Cabdi Nuur waxaa uu sheegay in madaxweynahu amray in warbixin amni oo dhameeystiran laga sugayo in  ay keenan Taliyayaasha

Qarxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada muqdisho ayaa aad loo dhaliilay qaabka ay u wajaheen amaba uga hadleen Madaxda sare ee dalka

   

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments