Filed Under:  FACEBOOK MAXAA YAAL

AAN KU WAALEE HAYE DHEH.

AAN KU WAALEE HAYE DHEH..

=Maalin walba Maxkamada Ciidamada qalabka sida ciyaal bey ku xukun baraneysaa.hadana xukunadaasi meel ay ku dambeeyaan lama yaqaan.
=Maalin walba Madaxda sare ee dalku Go’aano yaab leh oo aan iyaga quseyn bay lugaha ku ridanayaan. Kuwii iyaga waxtarayayna kama hadlayaan.
=Maamulka Gobolku maalin walba sharciyuu soo saarayaa aan midi ka dhaqan galeyn.
=Hey’adaha Amnigu intaa waa ordayaan waxayna soo saarayaan amaro aan cidi ka dhageysaneyn..
=Golayaashii Baarlamaanku shaqadii loo igmaday markii laga xidhay waxa ay hada isku badaleen ka qeybgalka xafladaha Aroosyada.
=Golihii Xukuumadu waxaa lagu cabsi galiyay xil ka qaadis kolkaaseey afkooda xirteen.waxa ayna isku badaleen Gole dalxiis.
=Talisyadii Ciidamada maalin alba kuwaa la nasaqayaa kuwa hor lehna waa la magacaabayaa .lama yaqaan sharciyo loo maray.
=Saxaafadii laga sugayay wararka sugan waxa ay isku badashay wixii laguu sheego sheeg waxaad aragtana ha sheegin.
=Shacabku maalin walba qodob bey ku marmayaan,hadana iyagoo aan isla meel dhigin ayay mid kale uga talaabaan oo isku laayaan.

MAXAA YAAB IS DABA YAAL

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA