Filed Under:  WARARKA

Wiil dhalin yaro ah oo la sheegay in uu ku dhintay wabiga shabeelle ee degmada Balcad ka dib sharad uu galay

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in will dhalinyaro ah uu ugu dhintey wabiga Shabelle kadib markii ay sharad wada dhigteen dhalinyaro kale.Wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Amiin Cali Xaaji da’adiisuna ay ahayd 18 sano jir waxa ay wada dhigteen wiil kale sharad ah inuu dabaal ugaga gudbo wabiga kadibna la siinayo Mobile Smartphone

ilaa hada lama haayo Raq Ruux wiilka sharadka U galay Mobileka Smartphoneka ee wabiga isku Tuuray balse waalidka wiilkaas ayaa sheegay in ay raadin doonaan meydka wiilkaasi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments