Filed Under:  WARARKA

Askari ka Tirsan Ciiidanka Puntland oo lagu dilay Magaalada Boosaaso

Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Wararka naga soo gaaraya ayaa wax ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidamada Puntland saakay halkaasi lagu dilay.

Dilka askariga ayaa yimid kadib markii ay wada murmeen askari kale,taas oo keentay in xabad uu ku dhufto.

Sidoo kale xalay fiidkii ayaa askari ka tirsan Ciidamada Puntland waxa uu dilay  2 askari oo kale oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland .

Wararkii u dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaan saacadaha soo socda ay Saraakiisha Ciidamada puntland ka hadli doonaan dilalka askarta.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments