Filed Under:  MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA

Dhageyso: Xildhibaan C/Qaadir Cosoble oo Eedeeyay Gudoomiye ku xigeenka koowaad Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Cabduqaadir Cosoble oo ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu eedeyn kulul u jeediyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey.

Xildhibaanka  ayaa  sheegay in Guddoomiye Muudey uu Xildhibaanada ku sameeyay Xadgudub isla markaana Xarunta Baarlamaanka uu ka dhigay dugsi Quraan oo kale.

 

Waxa uu sheegay in intii lagu guda jiray Kulankii Maanta ee uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabduweli muudeey uu kula dhaqmay fal ka baxsan Xeer Hoosaadka Golaha Shacbaka.

Hadalka Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa imanaya iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka Maanta ku ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay ku Ansixiyeen ku noqoshada Miinsaaniyada 2018ka

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments