BOORAME MAGAALO LA JECLEYSTO.

Boorame waa Caasimada Gobalka Awdal ee Maamulka Soomaali Land, Waa Magaalo aad u quruxbadan oo ay ku dhaqanyihiin dad aad u Wanaagsan oo ku Caan ah soo dhaweynta iyo Qadarinta Martida.

Magaalada Boorame Waxa ay Leedahay Cimilo kala Duwan inta badan Jawigeedu Waa Qabow waxaana ka da’a roobab yar yar oo loo yaqaano Xagaa bilaha Luulyo ilaa Agosto.

Waa Magaalo Degan Jawigeeduna waxa uu aad u Macaanyahay Wakhtiga Xagaaga oo Dalxiisayaal badan meelo kala duwan uga yimaadaan.

Boorama waxa ay Deegaan u tahay Dad Sharaf leh oo bani’aadanimada wax weyn ka yaqaana, Waxaana Alle uga baryi in uu Barakeeyo.

Sharma’arke Abdi Hassan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments