KA FOGOOW HALISTA JACAYL!!! (BY: BILE BAASTEY).

Adduunkaan ween ee aad u jeedu nolosheedu waa kala nooc nooc, waxaana mataan la ah jacayl xaqiiqaddii hadduusan jacayl jiri lahayn nolosha bani’aadamka wax dhadhan iyo macno ahi toona ma yeelateen.

Marka aad maqasho erayga jacayl markiiba waxaa maskaxdaada ku soo dhibcaya Jacayl dhex mara Laba Mucaashaq oo Lab iyo Dhadig ah, taasna nolosha oo dhan baa jacayl ku dhisan, hadduu ahaan lahaa Midka Adduunka uu rabigiisa jelcaado midka Nabigeena Mohamed (NNKH) uu jeclaado, midka waalidkii ama walaalihiis uu jeclaado ama dad ay qaraabo yihiin.

Aqristoow haddii aan dib u milicsado jacaylka lamaanaha Lab iyo Dhadig oo ah kan aan warbixintaan kaga hadlayno taasoo aan ciwaanka u xushay u soo qaatay (KA FOGOOW HALISTA JACAYL), iyadoo jacaylku uu yahay mid marna aad kala kulantid Naxariis macaan lagu sara gooyey marna uu halis yahay kaa oo ka qaraar badan sibirka halisna ku noqda nolosha qofka.

Haddii aan ku horumaro marka uu dhanka wanaagiisa ku soo maro oo aad naxariistiisa wajahdo waa marka qofka aad dunida ka dooratay uu kula wadaago dhib iyo dheef asagoo dhankiisa ka xajiya kuna dadaala ka shaqeynta sidii aayihiina uu u noqon lahaa mid mustaqbal ku biyo hoora.

Marka qatartiisa uu ku soo jahana waa marka aad qof aan diir naxeen aad caashaqdid waana marka qofkaas uu afka kaala wadaago hase yeeshee uurka aan ka jirin wax jacayl ah, waxayna arrintaas kugu keeni kartaa inuu jacaylka kugu siyaado kaasi oo aan dhab ka aheen qofkaad jeclaatay oo ay naftaadu muhanayso.

Jacaylka qofkaas waa mid ku kooban dhankaaga oo kaliya asagoo ugu danbeyntiina ruuxaasi kaaga taga meel cidlo ah oo ay adag tahay in aad ka kabsato halista jacaylkaas, waxaana shaki ku jirin in ruuxaasi dartiis aad waqti badan u lumisay, hase yeeshee ugu danbeyntii kaa raacay ruux kale.

Halista jacaylkaas haddii aadan ka fogaan si sahlan loogama soo kabsado, waxaana ka wax yar igala wanaagsan sida aan anigu qabo anigoo hal ku dhig ka dhiganaya hees uu ku luuqeeyay Al-fanaan Cabdalla Yuusuf Hanuuniye waxaana miraha heestaasi ka mid ahaa (Jacayl aan lagula wadin waqtigaaga yuusan lumin) oo ah in qofka aad jacaylka u qaaday uu ku yiraahdo kulama wadaagi karo ayaa ka haboon in been jacayl kuugu dhiso.

In kastoo ay tahay dhibaato aad u baaxad weyn balse waxaad isku daydaa in aad ka quusato waayo qalbi kaa janjeera sida lagu soo jeediyaa way adag tahay…marka waa hubanti ah in aad ka fogaatid halista jacayl si aad uga bad baadid halistiisa.

Culumada ku xeel dheer arrimaha jacaylka ayaa ku sabeeyey arrimahaani inay tahay dhalinyarada samankaan inaysan aqoon buuxda u lahayn qiimaha uu leeyahay jacaylka waxayna u qaataan ciyaar iyagoo aan wax badan ka aaminsaneen marka laga reebo in afka laga sheegto oo ruux aadan qalbiga ku heyn ku tiraahdo “Waan ku jeclahay….adiga mooyee nafteydu ruux kale ma ogala iyo hadalo kale oo aan dhaafsiisneen afka labadiisa baar kuwaa oo dareen waali ah ku beera ruuxa kale dhalanteedkaasina dhab moodaan”.

Ugu danbeyntii dhalinyadaan ayaa dhaawacyo daran oo halis ah u geysta qalbi qof kale waxayna marka hore jacayl been ah qalbiga uga buuxiyaan, iyagoo ugu danbeyntiina wado dheer uga taga isla markaasna wax aqoon ah aanan u lahayn xadka uu gaari karo aadanaha dhanka jacaylka.

W/Diyaariyey: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Bergen-Norway.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments