QISO XIGMAD LEH

Waxay tiri waxaan dhalay sedex wiil way guursadeen maalin ayaan umartiyay kii ugu waynaa habeenkii koowaad ayaan laseexday waxaan waydiiyay gabadhii uu qabay in ay ii kiinto biyo aan ku weeso qaato waan ku weeseestay biyihii intii iga hartay waxaan kushubay sariirtii markii ay subaxii ii timid ayaan ku iri gabadhay diyeey waa iska xaalka dadka waayayn xalay arintaan ayaa igu dhacday oo ay ula jeedo kaadi. Markaas gabdhii waxay imaqashiisay erayo qalbiga dhaawacay waxayna igu dacwaysay wiilkaygii .

Hadane waxaan u martiyay kii dhexaadka ii haa. Waxaana ku sameeyay arintii oo kale waxay iigu yeertay willkay gii hortiisa ayay igu qaylisay asagane igama qaban . Waan katagay

Waxaan aaday kii sedexaad gurigiisii waxaan waydiiyay in ay ii keento weeso sidii oo kale ayaan ku sameeyay subaxii markii ay ii keentay shaah ayaan u sheegay arintii markaas ayay tiri meeqo ayaan korkiina ku kaadi jirnay markii aan yarayn dhib malaha eedo go ii yay qaaday waynadiifisay .markaas ayaan waxaan ku iri eedo waxaa jirta islaan ayaa waxay ii soo dhiibatay lacag waxayna igu tiri waxaad ii gu soo iibi saa dahab ay jijimo ku jiraan oo ay u rabto gabadheeda mana garanaayo cabirkeeda adiga oo kale ayayna gacmaheeda u eg yihiin ee cabirka gacmahaad waxaan qaatay cabirkeeda suuqa ayaan aaday waxaana soo iibiyay dahab fara badan .

maalintii danbe ayaan isugu wacay wiilashii kale iyo gabdhihii ay qabeen markii la isku imaaday ayaan ku iri gabdhoow soo dhawaada waxa aan baaraayay qofkii aan lanoolaan lahaa mana ahayn kaadi waxii aad igula qaylinayseen waxay ahayd biyihii weesada aad iigu keenteen .gabdhihii way ka qoomameeyeen arintii ay igu sameeyeen.

Dahabkii ayaan soo saaray waxaana u xiray gabadhii uu qabay yaraankaygii waxaana ku iri waxaan rabay in aan ogaado midkiina aan lanoolaan karo inta kadhiman cimri gayga waana helay Alhamdulillah 🤗

Waxaan kaqaadanaynaa qofkii aad usamayso ixsaan in aad helayso mid lamid ah kii aad samaysay qisadaan waxaan ka soo turjumay carabi.
Uma layn maayo in hooyo soomaaliyeed ay raadinayso kii ay lanoolaan lahayd caruurteeda
Sababtoo ah soomaalida waa waalid jecel yihiin ilaa wax yar maahanee.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share