Filed Under:  MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA

Dhageyso:Xildhibaan C/Rashiid Maxamed Xidig oo ka digay khilaafka dawlada Federaalka iyo dawlad Goboleedyada

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah Xildhibaanada  baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubbaland ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad-goboleedkada Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Cabdirashiid Xiddig kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Xiddig ayaa hadal kooban oo uu kaga hadlay ujeedka safarkiisa Kismaayo, wuxuu kusoo sheegay in uu soo booqday deegaankii laga soo doortay iyo dadkii uu ku metelaayey Baarlamaanka.

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in muddada uu joogo uu kulamo la qaadan doono bulshada iyo madaxda Jubbaland.

Mar uu soo hadal qaaday khilaafka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ayuu rajo wanaagsan ka muujiyey xal u helidda khilaafkaas, wuxuuna carabka ku adkeeyey in ay ka Xildhibaano ahaan ay ka qaadan doonaan doorkooda.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments