Sheeko khuseysa Sawir qaadayaasha :

Sheeko khuseysa Sawir qaadayaasha :

Mararka qaar agabkaaga ayaa News noqda …!!!

Barbara Jensen Vorster waa 57, Sawir qaada ah waxa ay ku mashquul saneyd sawirro ay ka qaadeeysay Libaaxyo damaashaad ku jira bishii July ee sanadkan , hayeeshee si lama filaan ah waxaa uga dhacay Camero ugu Xirneyd tripod sidaasi ayeeyna dhulka ugu dhacday Cameradii

Libaaxyadu waxa ay maqleen sharqarta waxa ka dhacay gaariga dhankiisa ayeeyna soo aadeen sidaasi ayeeyna ku ruugeen Camerada ka hor inta aaynaan ku wareejin ilmahooda

Ms Vorster, oo ka soo jeeddo Johannesburg, South Africa, ayaa sheegtay in si lama filaan ah Camereda uga dhacday dhulka

Barbara dib ayay gacanta ugu dhigtay Camerada waxa ayna sheegtay in Miciyaha libaxa ay ka Gudbeen Lins-ka Camerada laakin la’dayactiri karo

Qiimaha Camarada waa £2,000 oo u dhiganta qiyaastii 2,553 Dollar. Barbara Jensen dhacdadaan waxa ay ku qabsatay dalka Botswana.

Dulucda Sheekada :

Had iyo jeer ku fikir in aad wadataa in ka badan hal Camero si waxba aysan kuu dhaafin .

Ogow marnaba in aysan jirin wax la’yiraahdo war ayaa la’waayay , ama sheeko ma jirto
Ka taxadar in agabkaaga si fudud kaaga wax yeeloobo , si gaar ah marka aad gari ama Dayuurad Saaran tahay .

WEYDIIN FURAN :

Makula tahay in Barbara Sheekada ay raadineysay mid ka xiisa badan ka heshay Clipka laga soo duubay Cameradeeda oo Libaax Ruugayo …? Adiga sidaasi ma’sameynlahayd haddii ay ku qabsato .

La’wadaag Xirfadleyda Sawirada qaada ama wax Duuba.

isha Xigashada sheekadan : Dailymail

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments