Dhageyso: Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ka warbixiyay shir lagu qabtay Dalka Suudaan
Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka warbixiyey shir ay wasiirrada Cadaaladda dalalka Jaamacadda carabta ugu soo gabangaboobay dalka Suudaan, kaas oo looga hadlayey horumarinta hay’adaha cadaaladda
Wasiirka ayaa sheegay in shirkaasi uu Muhiim uu u yahay Guud ahaan dalalka jaamacada Carabta oo ay Soomaaliya ay ka mid tahay saga oo sheegay in qodobada ka soo baxay shirkasi ay soo dhaweynayaan
wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in Wadamada Jaamacada carabta uu ka codsaday in Soomaaliya ay garab istaagaan.