Filed Under:  MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA

Dhageyso: Gudoomiyaha Magaalada Marka oo ka hadlay Amaanka Magaaladaasi

Gudoomiyaha Degmada Marka ee gobolka shabeelaha Hoose Xasan Cumar Macalin ayaa waraysi uu bixiyay waxa uu kaga hadlay Amaanka magaalada marka ee xaruunta gobolka shabeelaha Hoose

Gudoomiye Xasan Cumar Macalin ayaa waxa uu sheegay in Amaanka magaalada Marka uu wanaagsan yahay waxa uu Intaa ku daray in dhibaatada ka jirta magaalada Marka ay Ugu weyn tahay Wadooyinka Magaaladaasi oo ay xireen Xarakada Alshabaab iyadoo xirnaanshaha wadooyinkaasi saameyn xooggan ay ku yeesheen Ganacsiga Guud Ee Magaalada Marka

Dhinaca kale waxa uu sheegay Ciidamada Amniga hawgalo ay ka sameeyen Magaalada marka kuwaas oo uu sheegay in Maxkamadeyntooda loo soo gudbiyay Magaalada muqdisho

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Marka Xasan Cumar Macalin in dawlada Federaalka looga Fadhiyo in ay Furto wadooyinka xiraan ee loo Maro Magaalada Marka kana Codsaday dawlada Federaalka in Ciidamo Boolis iyo Nabad sugid isugu jira ay geyso Magaaladaasi

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments