Filed Under:  MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA

Ciidamada Galmudug oo kaashanaya Ciidanka dawlada Federaalka oo soo Afjaray weerarkii saakay ka dhacay Gaalkacyo

Ciidanka sida gaarka u Tababaran ee Danab,Ciidamada Booliska iyo Nabad usgida Soomaaliya ayaa soo Afjaray weerar Al-Shabaab saaka ku qaadeen Guri ku yaala magaalada Gaalkacyo oo uu daganaa wadaad lagu magacaabo Cabdiweli Cali Cilmi Yare.

Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in Guriga lagu dhuftay ka dibna Naftood haligayaal ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Guriga.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee sida gaarka u tababaran ayaa mid mid u toogtay dhammaan naftood haligayaasha Al-Shabaab ee doonayay inay shacab badan ku dilaan halkaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka,waxaana ayaa waxa  ku dhintay ku dhawaad 40 -qof oo shacab ah iyo 4-ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday oo Ciidamada Dowladda ay dileen,halka mid ka mid ah dhagarabayaasha isagoo dhaawac ah gacanta lagu dhigay.

Laamaha amaanka ee Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug  war rasmi ah kama soo saarin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments