Filed Under:  MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA

Dhageyso: Wasaarada Amniga Koofur Galbeed oo Amar dul dhigtay Musharixiinta iyo shacabka Koofur Galbeed

Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya waxa ay soo saartay wareegto lagu farayay Wasiirka amniga Koonfur Galbeed dardar gelinta amniga deegaanada Maamulkaas inta lagu guda jiro doorashada Madaxweynaha.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed( Eelay) ayaa sheegay in laamaha Amniga Koonfur Galbeed u diyaar garoobeen sugida Amniga xilliga lagu guda jiro doorashada.

Waxa uu sheegay in silamid ah musharixiinta iyo Shacabka Magalada Baydhabo looga doonayo inay ka qeyb qaataan xaqiijinta Amniga,waxaana uu sheegay in uu raja wanaagsan ka qabo in doorashada ay sinabadgelyo ah ku dhacdo.

Qoraalkii  ka soo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya  ayaa lagu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad handadaad u geysanaya Shacabka,isla markaana taasi aan la aqbaleyn

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments