Filed Under:  WARARKA

Maxaad kala socotaa sida sahlan ee ilmahu ku noqdaan darooga gadayaal.

Baaritaano la sameeyay waxaa lagu ogaaday in qaabka ilmaha ay gacanta ugu dhigaan gaangiska  iyo drug dealers ka ay  ku jiraan xeelado  sahlan oo ay isticmaalayaan dhagar qabayaal arxan daran oo ilmaha ugaarsanaya si ay uga dhigtaan group drugs gada.

Chicken shop grooming waa Xeelad la ogaaday  in ilmaha high schools  dhigtay  ay ku qaldaan dhibwadaashu (strangers)  in ay lacagta cuntada ka bixiyaan waxay u sheegaan ay lacag la,aan tahay ama in caruurku mar kale iska bixin doono hadii  kale ay ayagu ka bixin doonaa lacagtaas  ilaa ay ku aruurto oo gaarto £50 ilaa £500  waxaa lala noqonayaa saaxiib mudo kadibna waxaa loo xisaabinayaa lacagta lagu lee yahay ee cunta luugu gaday  waxaana laweydiinayaa in uu daynta iska bixiyo hadii kale dhibaato loo gaysandoono.

Ilmihu waalidka uma sheegi karo in ay lacag ku yeesheen dad uusan garanayn  wuxuuna  u sheegaa kuwa daynta ku leh in uusan haysan lacag sidaana waxaa luugu soo bandhigaa in uu  drugs  u eeyo  meel  markii shaqadaas qabto waxaa la siinayaa lacag aan dayntii ka wada bixin Karin laakiin qayb  ka bixin karta waxaana loo sheegayaa in uu lacagta iska bixin karo hadii shaqada ay karabaan uu qabto

Waxaa la siisiinayaa lacag kale si dayntu ugu sii badato  markasba waxaa loo balan qaadayaa in daynta laga dhaafayo hadii uu shaqo kale sii qabto  wuxuu caruurkaasi isku dayayaa in uu mar un ka lug baxo laba  ama sedex shaqo kadib  marka lacagta laga dhaafana uu ka baxo laakiin ma suura gasho oo waxaa si uusan dareemayn loo sii siinayaa lacag kale oo aan badnayn ilaa uu shaqadan u arko mid wanaagsan.

Ilamaha qaar waxay doorbidaan in ay diidaan amarka kuwa  lacagta ku yeeshay   waxaana dhacda in midkale oo lacag badan lagu lee yahay lagu yiraah soo dir si lacagtii mar qura lagaaa dhaafo  sidaasna waa sida ay dhibka isu gaarsiiyaan.

 

Dhibaatadani waxay xabsi gaysay ilma badan oo waalidku waxbarasho u diray waxaana  sidoo kale naftooda ku waayay  kuwa kale .

Gunaanad:  fadlan waalid ilmahaaga kula tali in aysan  lacag iyo cunto midna ka qaadan qof aysan garanayn   sidoo kale sii ilmahaada lacag ay banaanka schoolka wax uga cunaan.

 

WQ: Shariif C.nuur Xassan (shafka)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments