Filed Under:  MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA

Dhageyso: Maamule Iskuul oo lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose

Wararka naga gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen nin ahaa maamulo iskuul xilli uu ku sugnaa Xafiiskiisa.

Macalinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Mahad,waxaana uu ahaa maamulaha Iskuulka Daarul Amal oo ku yaalla degmada Afgooye.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Dilka ninkaan ayaa yimid xilli Magaalada Muqdisho xalay lagu dilay Xuseen Maxamed Xuseen oo ahaa maamulo Iskuul.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments