Filed Under:  WARARKA

Wafdi uu Hogaaminaayo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo maanta Gaaray Magaalada Baydhaba

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eelay iyo mas’uuliyiin kale.

Wararka aan haatan ka heleyno Magalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya iyo Xubnaha la socda ay kulan la leeyihiin Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxaana ay  kawada hadlayaan sidii doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ugu dhici laheyd sida ugu wanaagsan,isla markaana musharixiinta ay ilaaliyaan Amniga iyo xasiloonida Koonfur Galbeed.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments