Filed Under:  WARARKA

Dhageyso: Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Gobolka Hiiran oo ka war bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada xoogga dalka iyo Al-Shabaab ayaa  ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan kaas oo geystay khasaaro isugu jira iyo dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka inta u dhexeysa dhaxeeyadegmooyinka Maxaas iyo Mataban   ee Gobolka Hiiraan,

kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka baxay Baladweyne ay wadada u galeen Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada Shanaad ee Gobolka Hiiraan  Faarax Cali Waasuge iyo Taliyaha qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan Janeraal Maxamed Axmed Tareedisho oo siwadajir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay soo bandhigeen Hub ay sheegeen in ay Al-Shabaab uga qabsadeen dagaalkii shalay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments