Filed Under:  WARARKA

Faah Faahino ka soo baxaya duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay degaano ka Tirsan Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya  Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeeyeen Saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaan ka tirsan gobolkaas.

Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Goodirleey oo 10km Koonfur ugu beegan deegaanka Caad ee isla Gobolka Mudug.

Dad ku sugan deegaanka Caad ayaa u sheegay Gobolada Media in ay maqlayeen Daryinka  jugta,sidoo kalena Guuxa Diyaaradaha oo dulmaraya Hawada Xalay laga  maqlay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug.

khasaaro ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay duqeyntaas,waxaana xaalad kacsanan ah xalay  laga dareemayay deegaanka Goodirleey ee Gobolka Mudug,iyada oo dadka deegaankaas ay sheegeen in ay cabsi dareemayaan.

Isbuucii  la soo dhaafay ayaa  duqeyn diyaaradeed Waxa ay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug,waxaana Mareykanka uu sheegay in uu duqeymahaas ku dilay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments