Filed Under:  WARARKA

Dhageyso: Hay’adda UNHCR oo Maamulka Jubland Gudoonsiisay Agab loogu Talagalay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Magadalada Kismayo ayaa La Wareegay 2 Gaari oo Logu Talo Galay in loogu Shaqeyo Howlaha shaqo Ee ka Socda Garoonka Diyaradahada Kismayo

Munaasabad Kooban oo lagu Qabtay Garoonka Diyaradaha Kismaayo ayaa Waxaa Goob Joog ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Maamulka Garoonka iyo Masuuliyiinka Ka Socotay Hay’adda UNHCR Iyo Marti Sharaf Kale.

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Cabdulaahi Aadan Maxamuud Jagadoon oo Goobta ka Hadlay ayaa shegay in Hay’adda UNHCR ay Mashaariic badan ka Fulisay Garoonka Waxuuna ku Amaanay Doorka Muuqda Ee ay ka Qaadaneyso Horumarinta Bilicda Garoonka Diyaaradaha Kismayo.

“Hay’adda UNHCR Waxay Door Muqda ka Qaadatay Bilicda iyo Dib u Dhiska  Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Baahi Weyn ayaan u Qabnay Gaadiidkan Maanta ay Gudoonay Waan u Mahadcelineynaa Hay’adda’’.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa Sheegay in Hay’adda UNHCR ay Si Dhow ula Shaqeyso Dowlad Goboledka Jubbaland Waxuuna intaasi ku Daray in Degaanada iyo Degmooyinka Kala Duwan Ee Jubbaland ay ka Hir Galisay Mashaariic Horumarineed.

“UNHCR Waan u Mahadcelineynaa Si Dhow ayey ula Shaqeysaa Jubbaland Waxay Kalin Muuqato ka Qaadatay Dhismaha Xafadaha ay Dagan Yihiin Dadkii Dalka Dib Ogu Soo Laabtay Ee Ka Yimi Xeryaha Qaxootiga Dalka Kenya

Maamulka Madaarka Kismaayo ayaa Wada Qorshe Balaaran oo Lagu Hormarinaayo Bilicda Guud Ee Garoonka Waxuuna Maamulka Garoonka Diyaradaha Kismayo ay Shahaado sharaf Gudoonsiiyeen Madaxa Hay Ada UNHCR Ee Koonfurta Soomaliya Mr Wilyam

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments