Filed Under:  WARARKA

Gudigii Maaliyada Baarlamanka Federaalka oo la kala diray iyo Xildhibaan ka Tirsan Gudigaasi oo sharci darro ku tilmamay kala dirista Gudiga Maaliyada

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaali Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku sheegay in la kala diray Guddigii Maaliyadda ee golaha shacabka.

Guddiga ayaa dhowaan soo jeediyey eedo la xiriira maamul xumo dhinaca maaliyadda ah oo ka dhacday wasaaradda maaliyadda iyo gobolka Banaadir, eedahaas oo ay beeniyeen wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in aynan gudoonka kala diri karin guddiyada ayna tahay arrin sharci daro ah oo aanan la aqbali karin.

“Guddiga waxa uu eersaday sida aan ognahay kaliya in uu shaqadiisa sida ay tahay uu u qabsaday maadama uu soo bandhigay mad madoow miisaaniyada xukuumada ay soo bandhigtay waana arrin ay aheyd in lagu xaliyo hanaan sharci ah” ayuu sheegay Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Waxa uu ku nuux nuuxsaday in warka kasoo baxay gudoonka golaha shacabka ee lagu kala diray guddiga maaliyada in aynan aqbali doonin howshoodana ay sii wadan doonaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments