Filed Under:  WARARKA

Dhageyso: Siyaasiga Cabdi Barre Jibriil oo si kulul Uga hadlay hab dhaqanka Dawlada Federaalka ka dib markii la kala diray Gudiga Maaliyada baarlamaanka

Siyasiga Cabdi Bare Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamanaki Sagaalaad ee dalka ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay waxa uu si Faah faahsan kaga hadlay Qaladaadka dawlada Federaalka Soomaaliya ay galayso ka dib markii warqad qoraal ah oo ka soo baxaday Gudoomiyeku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdi Weli Ibraahim Muudeey lagu soo qoray in la kala diray Gudigii Maaliyada Baarlamaanka Taasi oo uu sheegay in ay tahay Xad Gudub islamarkaana Dawlada Federaalka Soomaaliya aysan Ogoleyn Isla xisaabtin iyo Taasi bedelkeeda buu yiri ay sameynayso Cid Walba oo isku dayda in ay la xisaabtamayso ay xilka ka qaadis ku sameynayso

Cabdi bare ayaa sheegay in Baarlaamanka uu Halka Ugu muhiimsan Hadii Baarlamaankana la Af qabto aanay dhici doonin cid la xisaabtamayso Madaxweynaha; Raisal Wasaaraha iyo wasiirada Xukuumadda ku jira

Hadalka ka soo baxay Siyaasiga Cabdi Bare Jibriil ayaa imaanaya ka dib markii la kala diray Gudigii maaliyada Baarlamaanka kuwaas oo maalmahaan la xisaabtamayay Wasaarada Maaliyada oo shegeen inla la yahay lacago malaayiin doolar ah oo aan la ogeyn halka lagu qarash gareeyay

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments