Filed Under:  WARARKA

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in Soomaaliya ay ka iibsanayan kalluunka Taasi bedelkeedana Qaadka ay u iib geenayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa intii uu socday shirkii  Dhaqaalaha Biyaha uu soo gaba gabeeyay waxa uu booqday goobtii lagu soo bandhigayay wax soo saarka Soomaaliya, wuxuuna ka yiri hadal kaftan-dhable ah.

Sida ka muuqata muuqaal ay faafisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, mid ka mid ah hawlwadeenada goobta bandhigga ayaa madaxweynaha u sharaxayay kheyraadka kalluunka ee Soomaaliya, wuxuuna yiri “Waxaan rabnaa in kalluunka Soomaaliya loo iib keeno Kenya”.

Kadibna Uhuru Kenyatta ayaa ku jawaab celiyay “Haa kalluunka Soomaaliya waan soo dhoofsanaynaa, idinkuna qaadka naga dhoofsada”.

Inkasta oo inta baddan la sheego in kalluunka Soomaaliya si sharci darro ah loo guryo, haddane waxaa jirta xaddi yar oo ganacsato Soomaaliyeed ay u iib geyso dalka Kenya.

 

Soomaaliya iyo Kenya  waxaa ka dhaxeeya heshiis aan cago badan ku taagnayn oo iskaashi ganacsi ah, kaas oo illaa hadda la sheegay in dheelitirka uusan sax ahayn, una janjeero dhanka Kenya oo maalin kasta qaad aad u tiro badan u dhoofisa Soomaaliya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments