Filed Under:  WARARKA

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo sheegtay in la soo qabtay Nin loo maleeynaayo in uu ahaa Maskaxdii ka dambeysay Weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho

ka dib war qoraal ah oo ay soo saartay Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegtay in howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay lagu soo qabtay mid ka mid ah raggii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi 9-kii bishan November.

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda, Sharcigana la horkeyn doono.

Weerarkii Hotelka Saxafi oo dhacay 9-kii bishan November ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 50-meeyo ruux, halka boqol kalena ay ku dhaawacmeen, weerarkaas waxaa u ahaa kii u horeeyay ee noociisa qaraxyo xiriir ah ku bilowda.

Ciidamada ammaanka ayaa hawlgalo qorsheysan habeenada qaar ka sameeya degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir.

NISA@HSNQ_NISA

Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar.
Waxaana la horgayn doonaa sharciga.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments